Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Saddexaad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Bardaale iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Bardaale iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Bardaale
Tartameyaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa;iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Bardaale ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Xamarweyne
Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Bardaale, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 24-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Caabudwaaq oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...