Ra’iisul Wasaaraha XFS “Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado”

Date:

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa ka hadlay Arrimaha Dastuurka KMG oo hadda gacanta ku hayaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasaddeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasaddeed oo doorashooyinka la xiriira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

“ Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado, Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hay’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...