Ra’iisul Wasaaraha XFS “Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado”

Date:

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa ka hadlay Arrimaha Dastuurka KMG oo hadda gacanta ku hayaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasaddeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasaddeed oo doorashooyinka la xiriira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

“ Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado, Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hay’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...