Howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Horjoogayaal sare oo katirsan khawaarijta

Date:

-Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul.

Howgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay joogaan Khawaarijta, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon oo si wayn ay isugu dubbaridideen, kaas oo ujeedku ahaa in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay Goballadaas.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu ay u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ab oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo ay wateen.

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...