Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su\aal oo soo hareermartay dhigooda Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...