Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

Date:

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler  ayaa maalinimadii shalay Magaalada Ancara ku  kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah si kor loogu qaado xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa kahor kulan ay wadaqaateen waxaa la isku weydaarsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo aragtiyo ku saabsan arrimaha difaaca iyo amniga gobolka.

“Soomaaliya waa saaxiibka muhiimka ah ee Turkiga ee Afrika, waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay dhiggeyga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay ku dhaceen jawi aad u diirran oo sii xoojinaya xiriirkeenna. waxaan ku celinnayaa muhiimadda aan siineyno madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. ” ayuu yiri Guuler kulanka ka dib.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay sameysato ciidamo Qaran oo ay la socdaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaas oo ay isugu tageen dhalinyaro ay ka buuxdo wadaniyad, ayuu yiri,isagoo xusay in dhallinyaradaasi ay noqdeen tusaale muhiim u ah qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku yimid Dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

“Marka laga soo tago xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood, heshiiska aan maanta saxiixnay waxaa ka mid ah in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ciidamada iyo dhaqaalaha, waxaan aaminsanahay in heshiiskan uu sidoo kale wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya” ayuu intaa raaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...