Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’addaha Amniga Qaranka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha mniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.
Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...