Jaamacadda Carabta oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaysa Damaca gurracan ee Itoobiya

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee  Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Safiirka ayaa tilmaamay  in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan  xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan  garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.

Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku  baaqay in shirka laga soo saaro  go’aan adag oo  gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sdioo kalena lagu taageerayo dhamaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta  tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...