Golaha Shacabka oo sharciga Xuquuqda Caruurta dib ugu celshay Xukuumadda

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa Guddoomiyaha waxaa ku wehlinayey Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow.

Ajandaha kulanka oo ahaa Akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Abuurka iyo noocyadda Ayniga dhir-beereedka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, iyo akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyeen in sharciga Xuquuqda Caruurta uu u baahan yahay sixid iyo in lagu saleeyo diinta Islaamka, ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka sheegay in sharciga Xaquuqda caruurta Soomaaliyeed dib loogu celiyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya, si loo soo saxo, laguna saleeyo diinta Islaamka.

Sidoo kale waxaa la qeybiyay Hindise Sharciyeedyada kala ah, 1- Hindise Sharciyeedka Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), 2- Hindise Sharciyeedka Badbaadada dhir-beereedka iyo Takoorka. 3-Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...