Madaxweynaha JFS oo ku Bogaadiyey Shacabka Difaacida dhulkooda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sida dowladooda ay ugu garab istaageen Difaacida Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...