Gaashaanle Saahid :Maalmaha soo socda Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa

Date:

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda khawaarijta guud ahaan laga saari doono meelaha ay kaga harsanyihiin koonfurta Gobolka Mudug.

Waxa uu taliyah sheegay in dagaaladii khawaarijta lagula galay degaanka jeex-jeex jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisad,lagana saaray inta badan degaanka meelaha yar ay ku suganyihiina maalmaha soo socda ay ka saari doonaan.

“Ciidanka xoogga way kaga itaal ronaadeen khawaarijta degaanadii lagu dagalamay oo way isaga carareen maalmaha soo socdana Gobolka Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa.”

Ciiddanka xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa khawaarijta maalmihii lasoo dhaafay dagaal culus kula galay degaanka jeex-jeex,iyo Caad halkaa oo khasaara weyn cadawga lagu gaarsiiyay,waxana halkaa lagu dilay 130-isugu jira Horjogayaal iyo maleeshiyada khawaarijta sida lagu sheegay warsaxaafadeeda kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...