Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Sheegay in dowladda ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado  kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey madal ay soo qaban-qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa xusay in Xukuumaddu ay qirsan tahay doorka wax ku oolka ee ay shirkaddu kaga jirto dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in deyn cafinta kadib ay shirkadaha ka shaqeeya dalka ay heli doonaan fursado badan oo ay adduunka kula falgeli doonaan.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xildhibaanno ka tirsan labada gole, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...