Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kula la qaatay wasiiradda Gargaar ee Dowlad Goboleedyada

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay  Qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowlad Goboledyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shir gaar ah oo ay wada qateen Guddoomiyaha Hay’adda iyo Wasiiradaan ayeey uga wada hadleen sidii wadajir dadka sameenta ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada loogu gurman lahaa, in Raashinkii dowlada Ruushka dalkeena ugu deeqday si siman Dowladd Goboledyada dalka ka jira loo wada gaarsiiyo, bulshada tabaayalysana loo gaarsiiyo sidii loogu talagalay.

Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Candiraxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka,  iyaga oo ku ammaanay sida ay go’antahay caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...