Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Qaramada Midoobay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dadaalka dheeriga ah ee ay Marwo Kiki Soomaaliya la garab taagnayd intii ay xafiiska UNSOM joogtay.

Kulanka, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Hab-dhowraha Aqalka Sare, Marwo Samsam Ibraahim Cali iyo Xoghayaha Guud Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la...