Ra’iisul Wasaars Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Soomaaliya ay gaartay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, isaga oo xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la dhowr sugayey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u heli doonta in ciidanka lagu qabalabeeyo hub casri ah, iyada oo caqabad kala kulmeenin, sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta uu sheegay in wixii hadda ka dambeeyo la heli doona hub casri ah.

Tan ayaa ku soo adaysa xilli caawa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii xilligaas oo ay burburtay dolwaddii dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...