Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka  hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.”

Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...