Madaxweyne Lafta-gareen oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka

Date:

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan ugu Hambaliyeynayaa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidaamada Qalabka Sida ee naftooda iyo Maalkooda uhuray Nabadda iyo Xasilloonida Dalka

Go’aanka cunaqabataynta hubka ee Caawa laga qaaday Dalkeena Soomaaliya keliya ma-xoojinayo Dadaalka Dawladda ee Ciribtirka Cadowga Umadda Soomaaliyeed Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu cunaqabateyn caalami ah saarayaa Khawaarijta Al Shabaab ee nabadda u diiday Dalka Soomaaliya, taas oo ah guul kale oo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay usoo Hooyatay.

<span;>Waxaan Umahadcelinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo Cid Waliba oo Gacan ka gaysatay sidii Dowladda Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka oo saarna in ka badan 30 Sano”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...