Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay cunaqabteynta hubka ee la qaaday

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo ku aadan in Soomaaliya laga qaaday cunaqbateynta hubka u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sareysa dalka, asigoona si gaar ah ugu Mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in guushaan taariikhiga ah la gaaro.

“Ku dhawaad 31 sano kadib in Soomaaliya laga qaado cunaqbateynta hubka waa tallaabo horey loo qaaday oo ka mid ah Dowlad-dhiska Soomaaliya, guushaan waxa ay wax weyn ka taraysa xasiloonida, nabadda dalka iyo in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay helaan qalabeyn xoogan si ay kaga guuleystaan kooxaha Khawaarijta”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxweynaha JFS iyo Xukuumada Dan-Qaran ku amaanay guulaha is-daba jooga ah oo ay usoo hoyeen Qaranka Soomaaliya, isla markaana weli ay dadaal ugu jiraan sidii guulo kale loo gaari lahaa si loo xaqiijiyo ah-daafta Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...