Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo markii u horreysay bixisay shahadaada amniga diyaaradaha

Date:

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe) , kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shahaadada ku wareejiyay maamullaha Freedom Airlines ee Soomaaliya,Mudane Mukhtar Xaamud.

“ Maanta waxay noqonaysa Freedom Airlines, markii u horreysay ee shahaadadan lagu guddoonsiinayo,kaddib markii la mariyay nidaamka barnaamijyada amniga hawl-wadeennada diyaaradaha si waafaqsan barnaamijka amniga duulista rayidka qaranka,taasoo ay ka soo shaqayeen saraakiisha xafiiska amniga iyo fududaynta duulimaadka ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.” ayuu yiri maareeyaha guud HDRS, Mudane Axmed Macallin.

Shirkadda duulimaadyada Freedom Airline, oo noqonaysa shirkaddii u horreysay ee la siiyay shahadada amniga, ayaa sidoo kale horey u ahayd shirkaddii u horreysay ee qaadatay taargada duulimaadka Soomaaliya ee SIX OSCER (6O), bishii Ferbruary ee sannadkii 2021.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...