Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Date:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, loogana hadley gurmadka fatahaadaha ku habsadey qeybo badan oo Somalia ka mid ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyaad kaga soo qeybgaley shirar madaxeed kala duwan ay Boqortooyada Sacuudiga martigelisay.

3- Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u uku taageerayo qadiyadda Falasiin ka jeediyay shirka waddamada Islaamka kaga arinsanayeen xaaladda dhulka la haysto ee Falastiin oo ka dhacay Sacuudiga.

4- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan-doceed kula qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki.

6- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dowladood.

7- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Madaxweynaha Ciraaaq,  Abdul Latif Rashid oo ay ka wadahadleen xoojinyta xiriirka labada dal.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News intii uu joogay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka  dhismaha laba dowladood oo labada dhinac ay yeeshaan.

9- Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo go’aamiyay in 25ka bisha November uu furmi doono kalfadhiga baarlamanka.

10- Golaha Wasiiradda oo ansixiyey hindise sharciyeedka Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

11-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

12-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Daryeelka Bulshada oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo ayaxa.

13-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku amray Ciidamada qalabka sida inay ka qeyb qaataan gurmadka  dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka iyo daadadka El-Nino.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii qaab dhismeedka Booliiska ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira.

17-  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah, kaas xoojinaya xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood.

18- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa magaalada Riyaad  ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ay yeelanayaan.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Riyaad kula kulmey Wasiirka Maaliyadda dalka Sacuudiga Mudane Maxamed Al-Jaddan.

20- Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha Wabiga Jubba ee deegaanada Jubbaland.

21-  Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ee Masar, mudane Cumar Marwaan.

22-  Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah hawlwadeennada eesiyaasha ah ee warbaahinta qaranka ee sida wacan uga qeyb qaatay dagaalka Khawaarijta.

23-  Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka..

24- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeyb galay Shirweynaha 42aad ee UNESCO.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa shir guddoomiyay kulan ay soo qabanqaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimaadka goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo looga arinsanayey bedqabka shaqaalaha.

26- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al Makhzoumi ayaa ku guuleysatey abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award ee sannadka 2023-ka.

27- Wasiirka Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

28-  Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Amb. Ibrahim M. Yagli waxaana ay ka wada hadlaan xaaladda fatahaadaha ee dalka ka jira.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shixnad gargaar ah geysat Degmada Doolow ee Gobolke Gedo oo ka  mid ah meelaha ay sida aadka ah u aafeeyeen fatahaadaha.

30-  Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya ee dalalka Islaamka.

31-  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa toogtay dhagarqabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

32-  Laamaha ammaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo gacanta kusoo dhigay nin horay dil u geystay.

33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka ka dhashay daadadka roobkii ka da’ay Muqdisho.

34- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno xabsi ah ku ridday qeyb ka mid ah dad ka eedeysaneyaal ka tirsanaa laamaha maamulka Degmada Hodan oo argagixisanimo loo haystay.

35- Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad xooggan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

36- Ciidanka Xoogga Dalka oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtay horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta, Cabaas Caraaye (Garoobshe), kaas oo mudda ku dhuumaaleysanayay degaankaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha Dastuurka XFS oo kulan la qaatay Ururrada haweenka Soomaaliyeed 

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tisan XDS ee Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo wafdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha Liibiya iyo Malaysiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...