Shirka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Mudane, Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaamka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku imanayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u hogaansanaanta sharciga hanti-dhowrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.

Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...