Agaasimaha Guud ee Hayβadda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Mudane, Axmed Siciid Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay masβuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway, Hogaanka Socdaalka, Xarunta Aqoonsiga Qaranka iyo Booliiska socdaalka Dalka Norway.
Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa kulamada uu la qaatay masβuuliyiintan waxa uu kala hadlay, sare u qaadida iskaashiga, wadaagida qibradaha, tababarrada Saraakiisha iyo joogteynta taageerada dhanka horumarinta ee Hayβadda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.
Dhanka kale, Agaasimaha guud ee HSJ iyo wafdigiisu waxey booqasho indha indheyn ah ku tageen xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway iyo Hayβaddaha kale ee hoos yimaada, waxaana dhamaan xarumahan Agaasimaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay si heer sare ah.

