Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin oo gaaray Daanta Galbeed

Date:

Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayo Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin, oo ay weheliyaan Wakiilka Hay’adda Labada Masjid ee Barakeysan iyo Qunsulka Guud ee Magaalada Quddus, ayaa maanta oo Talaado ah gaaray Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin.

Danjire Naa’if Al-Sedari, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in maanta uu booqday qeybo ka mid ah dhulka reer Falastiin.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda  Falastiiniyiinta ayaa lagu soo dhoweeyay booqashada safiirka Sacuudiga uu ku tagay Daanta Galbeed, waxaana booqashada Danjiraha Sacuudiga lagu sheegay imid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Falastiin iyo Sacuudi Carabiya.

Wasaaraddu ayaa qoraalkeeda ku bogaadisay mowqifka walaaltinimo iyo taageeridda ay Boqortooyada Sucuudiga la garab jogaan  dadka reer Falastiin

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...