Wasiir Axmed Xasan : Inta Madaxweynaha JFS uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta

Date:

Wasiirk wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo ku sugan Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo shalay lagala wareegay khawaarijta ay ku ammaanay Madaxeynaha jamuuriyadda federaalka Soomaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ka goโ€™naashaha dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Wasiir Axmed Xasan ayaa sheegay in inta uu Madaxweynaha JFS uu xiranyahay tuutaha safka horana u joogo ciribtirka khawaarijta aysan jiri doonin cid dib uga laabaneyso howlgallad dalka looga xoreynayo khawaarijta.

โ€ Inta Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijtaโ€,wasiir Axmed Xasan

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay la garab taagantahy Shacabka adegyadii bulshada in laga hirgaliya degmada Bacaadweyn diyaarna ay u tahay,Shacabka ayuuna uga baaqay in ay adkeystaan Amniga degaanka oo ay ka difaacdaan khawaarijta.

Hadalkaan ayuu wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ka jeediya Dagmada Bacaadweyn oo si buuxda ay ula wareegeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan oo sidoo kale goobta ka hadalay ayaa sheegay in shacabka ay isku tashadeen ayna ka goโ€™antahay inay cadowga iska dulqaadaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...