Tirada Horjoogeyaasha ay dileen Ciidanka Qalabka Sida oo sii kordheysa.

Date:

Muqdisho, 15 September 2023: Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta.
Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah.
Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:-
1. Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.
2. Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.
3. Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.
4. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
5. Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.
6. Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta.
7. Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...