Saaxiibbo isla Cabi jiray Xashiishka oo Argagixiso ahaan Loo xukumay

Date:

Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Maleeshiyada Khawaarijta una u qaabilsanaayeen Istidlaaca iyo arbushaada Caasimadda iyagoona fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ayaa ahaa saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow Ayaa Maleeshiyada kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ayaa Maleeshiyada khawaarijta kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.
Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay.

Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...