Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka

Date:

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Maxamed Maxamuud Caddow ayaa ku soo dhaweeyey Xarumaha ay booqdeen wafdiga uu hoggaaminayey Agaasimaha Gurmadka deg degga ah ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunk (WHO) Dr. Richard Brenann iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka xafiiska Soomaaliya.

Wafdiga ayaa u kuur galey Shaqada Isbitaalka Martiini uu u qabto bulsho waynta Soomaaliyeed, iyo caqabadaha heysta, waxayna warbixin kooban oo ku saabsan habsami u socodka shaqadda Isbitaalka caqabadaha iyo culeysyadda heesto ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Jalaaludiim Yuusuf Axmed oo sharaxaad guud ka bixiyey howlaha Isbitaalka.

Sidoo kale Wafdiga ayaa booqday sheybaarka Qaranka waxaana si furan looga warbixiyey shaqooyinka uu qabto ee ay ugu horeyso xaqiijinta cuduradda faafa iyadoo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeyb weyn ka qaadatay kor u qaadista tayadda shaqaalaha ka shaqeeya iyo agabka lagu shaqeeyo ee Shaybaarka.

Wafdiga waxay ku soo gabagabeeyeen booqashadooda Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH), iyadoo warbixin kooban laga siiyey howlaha uu qabto Machadka sida Cilmi Baarista, Tababaridda iyo Xarunta Howlgalada gurmad ka deg degg ah ee Caafimaadka Guud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...