Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka

Date:

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Maxamed Maxamuud Caddow ayaa ku soo dhaweeyey Xarumaha ay booqdeen wafdiga uu hoggaaminayey Agaasimaha Gurmadka deg degga ah ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunk (WHO) Dr. Richard Brenann iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka xafiiska Soomaaliya.

Wafdiga ayaa u kuur galey Shaqada Isbitaalka Martiini uu u qabto bulsho waynta Soomaaliyeed, iyo caqabadaha heysta, waxayna warbixin kooban oo ku saabsan habsami u socodka shaqadda Isbitaalka caqabadaha iyo culeysyadda heesto ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Jalaaludiim Yuusuf Axmed oo sharaxaad guud ka bixiyey howlaha Isbitaalka.

Sidoo kale Wafdiga ayaa booqday sheybaarka Qaranka waxaana si furan looga warbixiyey shaqooyinka uu qabto ee ay ugu horeyso xaqiijinta cuduradda faafa iyadoo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeyb weyn ka qaadatay kor u qaadista tayadda shaqaalaha ka shaqeeya iyo agabka lagu shaqeeyo ee Shaybaarka.

Wafdiga waxay ku soo gabagabeeyeen booqashadooda Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH), iyadoo warbixin kooban laga siiyey howlaha uu qabto Machadka sida Cilmi Baarista, Tababaridda iyo Xarunta Howlgalada gurmad ka deg degg ah ee Caafimaadka Guud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...