Madaxweyne Xasan Sheekh “meel looga harayo ma jirto Al-Shabaab inta laga xoreynayo guud ahaan dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  ka hadlayay xafladda xirtaan shirka 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka aay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta,inta dhimana la dhameeystiri doonno,waxa uu ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ku bogaadiyay guulaha ay soo hoyeen,isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka

Madaxweyne Xasan” Al-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii Xaaqina ayaana dhammaanaya “.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa fariin u diray dhalinyarada iyo odoyaasha ay qaldeen khawaarijta,isagoo u sheegay in ay kasoo baxaan dowladan ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta kasoo baxo,ganacsatada ayuu madaxwenaha Xasan Sheekh sheegay in wali ay maqan tahay kaalintoodii,isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta

Madaxweynaha waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay  in qof kamid ah khawaarijta uu ku suganyahy degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalka sii socon doonno.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...