Madaxda Galbeedka Afrika oo 17-18-ka bishaan ka wadahadlaya xiisadda Niger

Date:

Madaxda militariga ee ka socda ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa in 17-18-ka bishaan ay kulan ku yeeshaan dalka Ghana,si looga hadlo suurtagalnimada faragelin militari oo lagu fuliyo  Niger.

Kulanka la qorsheeyay in uu dhoco maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee soo socda ayaa yimid, ka dib markii madaxda ururka ay todobaadkii hore ansixiyeen in dalka Niger loo diro xoog heegan ah si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee Niger iyo madaxweynaha dalkaasi oo la eryay.

Qabsoomidda kulankaan ayaa markii hore loogu talagalay in sabtidii la soo dhaafay uu ka dhoco Accra balse waxaa dib loo dhigay todobaadkaan iyadoo ECOWAS ay wadeen dadaallo ay kula xaajoonayaan militariga uu hogaamiyo Abdourahmane Tchiani ee.

Madaxda Mileteriga Niger ayaa horay u diiday codsiha hoggaaamiyaasha Galbeedka Afrika oo ah dib u soo celinta madaxweyne bazoom iyo dastuurkii Niger,waxayna xireen hawada dalkaasi .

Dalalka reer Galbeedka ,gaar ahaan wadanka Faransiiska ayaa dadsaal ugu jira soo celinta Madaxweyne Mohamed Bazoum oo la doortay  20210kii,taasoo ka dhigan in uu yahay madaxweynihii uhu horeeyay oo si nabad ah xilka ula wareega tan iyo markii Niger ay xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 1960-kii.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...