Kulan ku saabsan doorka uu shacabka ka qaadan karo amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Taliska qeybta ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay munaasabad ujeed keedu aheyd doorka bulshada kaga aadan Amniga  kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo marti gelisay kulanka ayaa tilmaamay in bulshada reer Wadajir ay yihiin kuwa nabadda iyo Dowladnimada jecel islamarkaana ay la shaqeeyan maamulka degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in Booliska iyo shacabka ay yihiin kuwa si dhow saaxiib u ah loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa waxa uu tilmaamay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran shacab iyo Dowlad, islamarkaana Amniga uu fura u yahay horumarka iyo dib-udhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa bogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda ugu basilyihiin dowladnimada iyo xoojinta horumarka.

Munaasabadan kadib ayaa shahaadooyin sharaf la gudoomsiiyay qaar kamid mas’uuliyiinta degmada Wadajir, kuwaas oo lagu dhiiragliyay howlihii wanaagsanaa oo ay ka qabteen degmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay...

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar...

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...