Madaxweynaha Maraykanka oo dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay kaligii taliye

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, inuu yahay Madaxweyne xil jecel oo kaligii taliye ah.

Biden, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay  kulan uu Xisbiga Dimuquraadiga ku lahaa Gobolka California, maalin kadib booqashadii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Anthony Blinken uu ku tagay dalka Shiinaha, kaas oo ujeedakiisu ahaa in lagu dejiyo xiisada u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Xiisadda u dhaxeysa labadan dal ayaa aad u sii laba kacleeysay kadib markii bishii February ee la soo dhaafay, Milateriga Mareykanka ay soo rideen buufin lagu sheegay basaas, oo uu lahaa Shiinaha oo dul maray hawada Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha ayaa maalin ka hor ku heshiiyay kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee dalka Shiinaha in la dejiyo xiriirka labada dal si aysan u sii baahin colaadda u dhaxeysa labadan dal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Natiijada ka soo baxday kulankaasi ku tilmaamay mid wanaagsan, oo wax badan ka baddali doona xiriirka Washington iyo Beijing.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo tababar Aqoon korosi ah u furay qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise...

Madaxa AUSSOM oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya

-Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM,...

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaariisay Guriceel

9 berri kadib waxaa xalay magaalada Guriceel ee gobolka...

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...