Dhisme ku soo dumay degmada Shangaani oo sababay dhimashada afar carruur ah

Date:

Shil uu sababay burbur guri oo xalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa sababay dhimashada afar caruur ah oo walaalo ah sida uu wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyey aabaha dhalay caruurta.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday xalay saacadihii dambe,iyadoo dhismahani ka mid ahaa dhismeyaasha qadiimiga ah ee ku yaal degmada Shangaani

Dhismeyaasha duug ah ayaa marar dhowr ah sababay dhimasho iyo dhaawac,tan oo u baahan in bulshada laga siiyo wacyigelin dheeraad ah iyo in ay ka fogaadaan dhismeyaasha qadiimiga ah ee saacad walba kala kulmi karaan khasaare nafeed.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...