Gudoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi udiray qoysaska iyo ehellada shuhadadii ku naf waayay weerarkii Khawaariijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud, sidoo kale nabadoonadii Khawaariijtu ku dishay deegaanka kuwaas oo kala ah Nabadoon Cusman Macalin Axmed Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree.

Guddoomiyaha ayaa falkan ku tilmaamay mid fuleynimo ah taas oo Khawaarijtu ay ku baneeysaneyso dhiiga shacabka birmo-geydada ah ee aan waxba galabsan waxayna ka tarjumeysaa arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, isagooona ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in qof kasta kaalin ka qaato sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdan arxanka daran.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ugu dambeyn sheegay in dib u xoreynta dalka ku nafwaayay geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u huray sidii dalka ugu badbaadin lahaayeen cadowga islamarkaana maanta la joogo xiligii la soo afjari lahaa, maadaama Khawaarijtu laga xorreeyay deegaanno badan oo mudo dheer ku dhibaateynaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu Allah ugu rajeeyey inta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...