Danjiraha JFS ee Serbia iyo Duqa Magaaladda Belgrade oo ka wada-hadlay Mataaneynta Muqdisho iyo Belgrade.

Date:

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Amb. Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxa ay ka wada hadleen

1-Mataaneynta Caasimadaha labada dal ee Muqdisho iyo Belgrade,

2-In khuburo injineero ah ay daraasad rasmi ah ku sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashadda iyo maareynta Saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labadda Caasimadood uu ahaan jiray mid aad u xoog badan. “keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaad ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda muqdisho iyo Belgrade” ayuu yiri Aleksandar Šapić.

Duqa Magaaladda Belgrade ayaa xusay qaar ka mid ah Magacyada uu ku arkay Diiwaan keydka Belgrade waxaana ka mid Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir faarax .

Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle “Madaale” oo ku saabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda Caasimadood ee qadiimiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...