Danjiraha JFS ee Serbia iyo Duqa Magaaladda Belgrade oo ka wada-hadlay Mataaneynta Muqdisho iyo Belgrade.

Date:

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Amb. Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxa ay ka wada hadleen

1-Mataaneynta Caasimadaha labada dal ee Muqdisho iyo Belgrade,

2-In khuburo injineero ah ay daraasad rasmi ah ku sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashadda iyo maareynta Saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labadda Caasimadood uu ahaan jiray mid aad u xoog badan. “keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaad ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda muqdisho iyo Belgrade” ayuu yiri Aleksandar Šapić.

Duqa Magaaladda Belgrade ayaa xusay qaar ka mid ah Magacyada uu ku arkay Diiwaan keydka Belgrade waxaana ka mid Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir faarax .

Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle “Madaale” oo ku saabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda Caasimadood ee qadiimiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...