๐™‚๐™ค๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™’๐™–๐™จ๐™ž๐™ž๐™ง๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™ค๐™ค ๐™ก๐™– ๐™๐™ค๐™ง๐™ ๐™š๐™š๐™ฃ๐™–๐™ฎ ๐˜ฟ๐™–๐™ง๐™–๐™–๐™จ๐™–๐™™ ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™ก๐™ค๐™ค๐™œ๐™– ๐™ฆ๐™–๐™—๐™–๐™ฃ๐™–๐™ฎ๐™ค ๐™™๐™๐™ž๐™—๐™–๐™–๐™ฉ๐™ค๐™ค๐™ฎ๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™– ๐™–๐™ฎ ๐™ก๐™– ๐™ ๐™ช๐™ก๐™ข๐™–๐™–๐™ฃ ๐™ฌ๐™–๐™™๐™š๐™ฎ๐™–๐™–๐™จ๐™๐™– ๐™‚๐™–๐™–๐™™๐™ž๐™ž๐™™๐™ ๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™Ÿ๐™–๐™–๐™Ÿ๐™ฉ๐™–

Date:

Muqdisho, Maarso 23, 2023; Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaashaย  Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Masโ€™uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...