Dowladda Soomaaliya oo ka shaqayneysa sidii loo joojin lahaa rabshadaha ka taagan gobolada Woqooyi

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow uga shaqeyneysa sidii ay nabad ugu soo celin lahayd gobolada waqooyi ee Somaliland, xilli ay sii kordhayso xiisaddo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo ciidamo beeleedyo deegaanka ah, sidaasi waxaa yiri,Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Aljazeera.

“Waxaan rumaysanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya,laakin kuma doonayno midnimada rabshado,” Mudane Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray.

“Waxaan u ololeyneynay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sidii aan marka hore u joojin lahayn rabshadaha, ka dibna aan u furi lahayn meel wadahadal ah,” Madaxweynaha ayaa ku yiri wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-shabaab, abaar baahsan ee ka jira dalka iyo qodobbo kale.

Dagaal ayaa bishii hore ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana ku dhintay ugu yaraan 80 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 185,000, sida ay sheegtay QM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...