Dowladda Soomaaliya oo ka shaqayneysa sidii loo joojin lahaa rabshadaha ka taagan gobolada Woqooyi

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow uga shaqeyneysa sidii ay nabad ugu soo celin lahayd gobolada waqooyi ee Somaliland, xilli ay sii kordhayso xiisaddo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo ciidamo beeleedyo deegaanka ah, sidaasi waxaa yiri,Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Aljazeera.

“Waxaan rumaysanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya,laakin kuma doonayno midnimada rabshado,” Mudane Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray.

“Waxaan u ololeyneynay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sidii aan marka hore u joojin lahayn rabshadaha, ka dibna aan u furi lahayn meel wadahadal ah,” Madaxweynaha ayaa ku yiri wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-shabaab, abaar baahsan ee ka jira dalka iyo qodobbo kale.

Dagaal ayaa bishii hore ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana ku dhintay ugu yaraan 80 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 185,000, sida ay sheegtay QM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...