Madaxweyne Dani oo Bosaaso uga Qeybgalay kulan looga hadlayey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030

Date:

Magaalada Boosaaso waxa xalay lagu soo bandhigey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,Wasiiro , Maamulka Gobolka Bari iyo dadweyne aad u farabadan.

Dhammaan Masuuliyiinta, Hoggaanka dhaqanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeybgalay Kulanka ayaa soo dhoweeyay sida ay Dowladda muhiimad u siinayso dhismaha iyo horumarinta , bilicda iyo nashaqadeynta magaalada. Waxayna muujiyeen sida ay Maamulka  garab ugu siinayaan taabagelinta qorshaha nashqadeynta iyo Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo muhiimadiisa wuxuuna ku adkeeyay Bulshada Boosaaso in Dowladdu ka howlgashay Horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalada loona baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan, si wada jir Dowlad iyo Shacaba looga shaqeeyo in Boosaaso la gaarsiiyo meel ay istaahisho iyo in ay la mid noqoto magaalooyinka la mid ka ah ee Adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...