Golaha Shacabka BFS oo Maanta Meel Mariyey Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaaan galinta dadweynaha.

Date:

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfdhiga 2aad kulankiisa 24aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow
Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa
1)Akhrinta 3aad iyo u codeynta hindise Sharciyeedka dhowrista. maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
2)Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
3)Qeybinta Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
Intaasi kadib guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa codgalisay labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
Iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
Ugu horeeyn waxaa loo codeeyay hindise Sharciyeedka dhowrista
maalgashadayaasha iyo maalgashiga waxaana Haa ugu codeeyay 145 xildhibaan waxaana diiday 2 xildhibaan wax ka aamusayna majiro dhanka kale waxaa cod lagiliyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
Waxaa Haa ugu codeeyay 146 xildhibaan waxaa diiday 1 xildhibaan wax ka aamusayna majiro
Ugu dambeyntii Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona sheegtay in ay Ansaxyahiin labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
Iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...