Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha oo kormeeray isbitaalka guud ee balcad

Date:

Balcad: 28, Feberaayo, 2023 Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo maalmahan howla shaqo u joogo Magaalada Balcad ayaa kormeer kutagay Isbitaalka Guud ee Degmada Balcad.

Guddomiyaha Baarlamanka oo ay wehliyaan labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, maamulka Degmada, saraakiisha qeybahooda kala kuwadan oo guur galaya xaalada Degmada Balcad ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee degmada Baclad.

Maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka ayaa warbixin kasiiyey Gudoomiyaha Baarlamanka xaalada isbitaalka, baahiyaha uu isbitaalka qabo iyo adeega ay bulshada siiyaan.

Guddomiyaha Barlamanka Hirshabelle ayaa faray wasaarada Caafimaadka Hirsahbelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaaban baahiyaha isbitaalka.

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tagay dhismaha waddada laamiga oo mareeyso heer gabo gabo ah wajiga koowaad ee Muqdisho iyo balcad iyadoo mardhaw la bilaabi doono dhismaha wajiga labaad ee Balcad iyo jowhar.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle aya bogaadiyey maamulka degmada balcad sida wanaagsan ay ugu adeegayaan bulshada magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...