[AKHRISO] Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan

Date:

Muqdisho, Arbaco 22-ka February 2023

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey guulaha Dowladda Somalia ka gaartey dagaalka lagula jiro argagixisada.
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo ka wadahadley xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi u dhexeeya.

 

  • Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeystay, ayaa waxaa ay Ciidanka Qaranka guluf lagu guuleystey ka fuliyeen Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug, iyadoo ay jiraan goobo badan oo cadowga laga xorreeyay, hub iyo saanad badanna looqa qabsadey.

 

  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dalka Turkiga ee uu dhulgariirka ku habsadey.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddi heer qaran u xilsaarey barnaamjika gurmadka lagu taakuleynayo dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.
  • Mar kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda ka socota Laas Caanood, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu xaliyo.

 

  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan.

  • Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda oo ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.
  • Hanti Dhowraha Guud ee cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Guutaale yaa xilka kala wareegay Hanti Dhowrihii hore Maxamed Mohamud Ali (Afgooye).
  • Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Korontada.
  • Aqalka Sare ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

-Dhammad-

Daud Aweis Jama

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...