Ra’iisul Wasaare Xamse “Culimada Sooomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay bulshada ka wacyi geliyaan dabarka musuq maasuqa “

Date:

Ra’iisul wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa faray Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa.

Mudane, Xamse ayaa sheegay in dadka xilalka haya ay inta badan marin habaabiyaan dadka ehelka u ah, saaxiibbo iyo kuwo uu ku sheegay hantiilayaal, si aad iyaga ugu noqotid addoon ay ka samaystaan wixii ay rabaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay Shir sanaddeedka xeer ilaalinta oo shalay lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay Culimadu ka wacyi geliyaan halista uu musuqu leeyahay.

“Culimada Sooomaaliyeed waxa looga bahan yahay in ay bulshadda ka wacyi galiyaan dabarka Musuq maasuqa “  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka mas’uuliyiinta ugu digay inay iska ilaaliyaan kuwa danaha gaarka ah leh ee doonaya inay xumaanta faraan kuna riixaan xaaraan iyo ku takrifal awoodeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...