[DAAWP+SAWIRRO] ๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ, ๐——๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ

Date:

Muqdisho, Feberaayo 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo laโ€™aanta .

Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinkaย 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...