๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผo Daah Furay ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ดga ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐˜†๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ

Date:

Muqdisho 20 February 2023—-Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenkaย  Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hayโ€™adda Istaatistikada Qarankaย  oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in guul wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in maanta la helo tirakoob sax ah oo lagu jaangoyn karo miisaaniyadda qoys walba oo Soomaaliyeed.

Mudane Saalaxย  ayaa sheegay in warbixintani innaga dabooli doonto wax kasta oo aan uga baahannahay inaan ka ogaanno daryeelka dadkeenna, iyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah sida,waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, lahaanshaha dhulka iyo dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale.

Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Qorshaynta, Maalagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa markii ugu horreysey muddo 38 sano ah soo bandhigtay warbixinta sahanka miisaaniyadda qoyska Soomaaliyeed oo ah tiro koob lagu samayeeyo haynta iyo karaanka bulshada, taasi oo wax wayn ka tari doonta in dhab loo ogaado baahiyaha dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasabada waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiradda Dowlad Gobaleedyada, Wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Hayโ€™adaha Horumarinta iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS โ€œKoonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...