๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผo Daah Furay ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ดga ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐˜†๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ

Date:

Muqdisho 20 February 2023—-Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenkaย  Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hayโ€™adda Istaatistikada Qarankaย  oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in guul wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in maanta la helo tirakoob sax ah oo lagu jaangoyn karo miisaaniyadda qoys walba oo Soomaaliyeed.

Mudane Saalaxย  ayaa sheegay in warbixintani innaga dabooli doonto wax kasta oo aan uga baahannahay inaan ka ogaanno daryeelka dadkeenna, iyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah sida,waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, lahaanshaha dhulka iyo dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale.

Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Qorshaynta, Maalagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa markii ugu horreysey muddo 38 sano ah soo bandhigtay warbixinta sahanka miisaaniyadda qoyska Soomaaliyeed oo ah tiro koob lagu samayeeyo haynta iyo karaanka bulshada, taasi oo wax wayn ka tari doonta in dhab loo ogaado baahiyaha dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasabada waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiradda Dowlad Gobaleedyada, Wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Hayโ€™adaha Horumarinta iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israaโ€™iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka...

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha eeย Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore.ย 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...