Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CICID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugu dambeyn, Waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...