Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CICID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugu dambeyn, Waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...