Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaano katirsan Gobolka Mudug

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa kala wareegay khawaarijta Al-shabaab Deegaanada Qeycad ,Laas-gacameey iyo tuulooyin kale

Dagaal ay wadajir u qaadeen Ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa lagu dilay ku dhawaad 50 ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab,waxaana laga furtay Hub kala duwan oo isugu jira Qoryaha culus iyo kuwa fudud sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Gen Biixi.

Ciidamada Huwanta ah ayaa Khawaarijta ka saaray dhul balaaran oo u ahaa Dhufaysyo ay ka dhex qoteen Dhulka Hawdka ah.

Hawlgalkaan ayaa ah mid wali socda laguna baacsanayo Firxadka Khawaarijta ee isku dayaya in ay isku qariyaan Dhulka hawdka oo ah ka qoteen godad iyo difaacyo

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...