[DAAWO+SAWIRO] R๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ: ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฒ๐˜†

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteenย  Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoorย  oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen โ€œWaxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolahaโ€

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...