Gudoomiye madaale oo dhagax dhigay wadada isku xirta kaxda iyo Ex-control.

Date:

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Waddada isku xirta isgooska Kaxda iyo Ex-Control Afgooye, waxaana goob ka ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.

Waddadan oo aad u burbursan islamarkaana isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay ayaa waxaa ka mahadceliyay dhagax dhigga mashruucan qaar kamid ah bulshada ku nool degmooyinka Kaxda, Dharkeenley, Wadajir, Deyniile iyo Hodan ee gobalka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...