Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab

Date:

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ku jiray horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa xaqiijiyey dilka kooxdaan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...