Soomaaliya iyo Masar oo hishiish is-afgarad kala saxiixday

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da  iyo Boostada, waxaana goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mostafa Madbouly, sidoo kale waxaa madasha lagu saxiixay hishiishkaan joogay Safiirka Soomaaliya ee Masar  Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliyaha Wasaaradda.

Hishiishkaan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga labada dal in ay isweedaarsadaan Aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da, Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah, khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasada amniga internetka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada,  waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada  iyo hal-abuurka ganacsiga, waxana uu socon doonaa hishiishkaan muddo shan sano ah.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay …..”Iyada oo la adkeenayo xiriirka soo jireenka ah ee  labada wadan waxaa maanta saxiixay Hishiish iskaashi ah dhinacyada Isgaarsiinta, Boostada iyo (ICT) Ujeedada heshiiska  waa in la isweydaarsado khibradaha labada dal” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka Jaamac Xasan ayaa dadaal badan ku bixinaayo sidii dalkeena u gaari lahaa wadamada adduunka iyada oo la xoojinaayo adeegsiga Teknolojiyada casriga oo xilligaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...