Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyagoo ka wada-hadlay qorshaha loogu diyaar garoobayo duulimaadyada Xajka, iskaashiga horumarinta dhinacyada gaadiidka iyo duulista Hawada.

Wasiir Fardowsa, ayaa xaqiijisay in qorshaha sannadkan ee dowladda ee ku aaddan Hajka inuu yahay mid lagu doonayo in la fududeeyo duulimaadyada qaadaya xujeyda. Waxayna intaa ku dartay Iskaashiga iyo xiriirrada caalamiga ah ee duulimaadyada, Duuslita Hawada iyo Gaadiidka inuu  door muuqda ka qaadanayo qorshaha iyo dadaallada horumarinta ee dhinacyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...