Faah-faahino ka soo baxaya 70 qof oo qabow ugu dhintay dalka Afqaanistaan

Date:

In kabadan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay qabow ba’an ugu dhinteen gudaha dalka Afqaanistaan oo hadda uu ku dhuftay baqow ba’an.

Gobolka bartamaha ku yaal ee Ghor ayuu dhawaan heerkulku gaaray -33 digirii, waana heerkul aad uga hooseeyo heerka ay biyuhu ku fariistaan ama ku barafoobaan.

Wararka maxalliga ahi ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay suurtagal tahay in ay intaasi ka badan tahay.

Mas’uul ka tirsan waaxda saadaasha hawada ee dalkaasi Afqaanistan ayaa sheegay in qabowga xilligan xagaaga ahi uu noqonayo kii ugu ba’naa sanaddadii dhawaa.

Wasaaradda ka hortagga masiibooyinka dalkaasi ayaa sheegtay in qiyaastii 70 kun oo neef oo lo’ ah ay qabowga u dhinteen dalkaasi tobankii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhawr waddo oo muhiim ah ayaa waxaa xiray baraf xooggan oo waddooyinka fariistay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...